Dhawaan Magaaladda Kismaayo waxaa lagu dhisay Maamul KMG ah kaas oo ka kooban 12 xubnood.
Gudoomiyaha Maamulkaas ayaa waxaa laga dhigay Axmed Madoobe halka sidoo kale uu leeyahay labo kuxigeen, madaxa amniga magaaladda, kan dekadda iyo kan arimaha bulshada ayaa sidoo kale la magacaabay.
Hadaba Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo kamid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Jubooyinka ayaa sheegay inaanan lagu qancin kari maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in Kismaayo ay tahay magaalo ay degaan qabiilo badan, sidaa darteed Maamulka la dhisay sedexda ugu sareysa ay kasoo jeedaan dad gaar ah sida uu hadalka udhigay.
‘Qorshaha waa cad yahay waxaa wata Ciidamada hubaysan ee Raaskambooni iyo Azania, taasna kuma qancayno”ayuu sheegay Khaliif Maxamed Xaaji oo kamid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in ay tahay in la sugo inta laga soo dhisayo dowlada gaar ahaan xukumada maadaama wax walba ay xukumadas ka go’i doonaan.
Hadalka kasoo baxay Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili xaaladda Mamul usamaynta Jubooyinka ay tahay tan ugu hadal heynta badan.
AOL — Muqdisho Office

kkkkkkkkkkk,meesha ragii xoreystey ayunbaa wax dhisaya,hadaalin
haduu ka soo jeedo xildhibaanka jubooyinka hadal wuxuu ku leeyahay odagii asaka ka dhigay xildhabanka ee shaqo uu kuleyahay waxa laga dhisay kismaayo majirto mideeda kale xildhibaanka waa in uu ilaaliyaa dastuurka somalia, nadab galyo allgado,
adeer muqdisho haka qaylyine imow meeshaad kasoo jeedo waxna ka ogow maamulka. maxaadse u tartay kismaayo oon ka ahayn inaad ka qaylido meelkale!
saaxiibayaal waad salaamantihiin xildhibaanku xaqbuu u leeyahay hadii cadaaladdaro ay jirto inuu tilmaamo tankale ogaada kismaayo anaa xoreystey rag axmed madoobe katun weyn baa ku haysan waayey anaa xoreystey wey dhamaatey waqtigeedii dadka deegaanka dhamaan waa iney cadaalad helaan hadiikale adinkana waa laidinka xoreyn oo wixii xoog laguqaatao xoogbaykudhamaataa!!!!!!!!!!!!!
A.s.c bahda allgedo.com iyo akhristayasha sharafta le iyo inta fikirka dhibatayba inta kadib xildhibanka wu hadli kara o af wu leyahay u kuhadlo lkn wax nuxurleh mashegin hadalkana hadusan xikmad lahayn wax lagu hadaqay ama nef ciyay ayu noqdo bal firsha waxa u xaja kadhigan 3 ogu saraysa wa isku bel marki ay dagalamayen e ladhimanayay e rafadku tagna muxu uhadli wayay o u udhihi wayay 3 dan wa isku qabil haday wada dhintana rerba tabi ilen 3 rux qays ay kawada bexen wa arin culuse ma usan oran wuxu kuqayilayay vila somalia marki magaladi laqabsaday ayu leyahay wa isku qabi dhunta halaqyo kugale
@bxawo waxa a madobe ka tunweyn xagee joogaan? Dhimac qabil Iyo dhinac hanti Iyo dhinacwalba! Tolka wad isku dherarin taqaanan e melfariso cidna adi kuma jedo indhuhu Mel ka shishaysay arkane!
kaas xildhiibaan laguma tilmaami karo waa qabyaaladiiste oo hadaladiisa ayay ka muqaneysaa hadii sida uu sheekay kismaayo lawada daganyahay maxaa diidaya dadka leh in ka arimiyaaan isaguna ka mid yahay,marka waa hunkuri raadis walaalkis ladhashay tixaa wa uma ookula
ka dib markaan baaray ninkaan xildhibaanka ah ( Khaliif Maxamed Xaaji ) waxaan ogaanay in uusanba udhalan kismaayo iyo xitaa juboyinkaba, marka dhaqankiisu waa sidii ninkii faruurnaa oo barbara faduusha u tagay oo kale
asc. akhyaarey .. nin kaan wu iska hadley .. hadu nin kaan kismaayo kaso jedo halku ku maqnaa sanadkii dhiiga loo daadinaayey kismaayo qabashadeeda , manta inu villa somaliya ka dhex hadlo oo kamboni iyo azaaniya wax ka sheego waxaan u arkaa caqli yaraan e .. nin ka usoo caqli celiya warkiisa xataa in sacadan WEB lagu buun buunbuni ma istaahilo …. tx all .
Xaqiiqdi maamul usamaynta wadankeena hooyo anaga soomaalida ayaa iska leh,s idaas darteed waa in IGAD ay iska halmaantaa hawsha ay faraha kula jirto ama sida Mahiga ayey noqon Goroyo gabalkeedu dhacay.
@somali sxb madobe wa laga tun wen yahay sxb wadna ogtahay dadka mesha ka talin jiray yanyur ayu ka aha xligas sxb lkn xligi qabyalada wa laga bxay marka mamul cadalad ah o dowlada dhistay ayan donayna