Xukumadda uu waqtigeedu sii dhamaanayo ayaa markii ugu horeyay kahadashay howlgaladii lagu qabtay Magaaladda Kismaayo iyo maamul usamaynteeda.
Ra’isul Wasaare kuxigeenka xukumada Dr Gaas ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa uga mahadceliyay ciidamada Militeriga Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaliya qabashadii Magaaladaas.
Waxaa uu kutilmaamay in ay tahay magaalo dhaqaalo buuran leh oo muhiim u ah dowlada Soomaaliya.
Kenya ayuu sheegay in dhibaato badan ay usoo martay qabashada Kismaayo iyadoo looga dilay askar bada kuwa kalana looga afduubtay.
C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay in maamul usamaynta Kismaayo ay tahay mid utaal dowlada dhexe ee Soomaaliya, shacabka magaaladda iyadoo sidoo kale lagala tashanayao dowladaha IGAD sida uu hadalka udhigay.
“Waxaa lasoo dhisayaa Maamul shacabka ka yimaada, waxaana shacabkaas uu noqonayaa mid dowlada dhinaceeda ah, sidoo kale waxaan kala tashanaynaa dowladaha dariska ah ee IGAD”ayuu sheegay Ra’isul wasaare kuxigeenka xukumada waqtigeedu dhamaanayo.
AOL Muqdisho Office

kani waa kii ogaadeen ugu nacasanaa waxaan ku ogeyn inuu waardiya u ahaa
cabdi wali gaas maalin kama uu talin maslaxad dadkiisa. hadana mariixaankiiba kasii daranyahay . mariixaan baa qadiyadii dadkooda ku badashey in aay hawiya daba fadhi ugu noqdaan kismaayo awgeed, nacaskanina jago ayuu hawiya karaadsanayaa jakadaas oo aan marnaba xamar xamar soo dhaafeeynin. war meesha dowlad ma jirto waa irir ismaaciil cumar geele nasiib daro mariixaan iyo nacskan oo kale ayaa doorood meeshan dhigey
wa hadal nin masu ul ah kuhadlo, , waxan leyahay cabdiwahab inu kutagnado wadadas, , reer jubaland dagal weykaso dalen manta wexey diyar uyihin inay mamul distan .shacabka kismaayo waxan leyahay gabaladi kale ee jubadahoose mamul weyeshen,halaisdajo , walawada dashtay nin walibana haka shaqeyo wada jirka iyo nabada
waa runtii wasiirka ,idinku wadankiina xoreysta,xasidiin ayaad tihiin kadib maamul aan wadadhisano
@ faadumo qofka wata qof dumar ah ma,han waa jawaasiistii dadka somaliyeey dabka ukala qaadi jiray
waziirka hadal xun ma oran dadka deegaanka oo dawladooda kaashanaya ayaa maamulka dhisanaya
ee munaafaq meeshaas kuma qaadee isaga bax
hawiye iyo daarood ayaad jambal dhexdhigaysaa yaa xayawaan
xagee kala jiraan soo ilma somali maxamed ma.ahan soo calanka buluuga ah kama dhexeeyo adeer ninkii jawaasiisnimada idin baray idinka dhimay balse dhaxalkisii ayaad haysataan
qabyaalada dhwn hadhacdo kii dhexkeena bulshada ha halaagsamo
walaalayal allah ka baqa oo qabyaalada qudhuntay iska daaya dalka waa lawada leeyahay inagana badane hal kursi hawada raadininee oo inama wada qaadee ee maamul hala wadasamaysto hala soo dhaweeyo,dagaal wax ku waynee walaaltinimo iyo wanaag iyo isu tanasul baa loo baahanyahay,hadii kale dadkalaa u tashay oo waabad aragtaaan eeeeeeee haysu fiirsanina somaaliyeey.