Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka dhaqan galay bandow ay kusoo rogeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Ciidamada ayaa howlgalo balaaran ka wada gudaha Magaaladda kadib markii falal dil ah ay ka dhaceen.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa AOL usheegay in ciidamada Raaskambooni ay tageen xaafadaha magaaladda, gaar ahaan kuwa ay ka dhaceen dilal kala duwan.
“Magaaladda waxaa xalay saarnaa bandow, waxaana looga gol lahaa sugida amaanka kadib dilal dhacay’ayuu sheegay Cabdi-raxmaan oo kamid ah dadka magaaladda.
Lama Oga hadii dad lagu soo qabtay howlgalada ka soconaya Magaaladda Kismaayo.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.