Kadib dagaal xooggan oo shalay ku dhexmaray gobolka Sh/Hoose ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas guulo ka sheegtay dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalkaas ayaa ka dhacay degaanka Bali-doogle kadib markii ciidamo katirsan kuwa Shabaab ay jidka ugaleen Kolonyo ciidan oo ay dowlada iyo AMISOM Leeyihiin.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Gen C/Kariim Dhaga badan oo hogaaminayay ciidamada weerraka lagu qaaday ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalkii ay Shabaab kusoo qaadeen.
“Weerar kooban ayuu ahaa waana iska caabinay, ilaa 10 kamid ah kuwa soo qaaday dagaalka ayaana dilnay”ayuu yiri Abaanduule Dhaga-badan.
Dhanka kale Afhayeenka dhanka Howlgaladda Shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in ku dhawaad 20 askari oo Soomaali iyo kuwa Amisom ay ku dileen dagaalkii ka dhacay Bali-doogle.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay inay fashiliyeen isku day ay ku doonayeen ciidamada in ay isugu fidiyaan gobolada Sh/Hose iyo Bay.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.