Home » News »

Qaraxyo iyo iska horimaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo Mombasa ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu saakay ka dhacay iska hor imaad kooban iyo qaraxyo qasaaro gaystay.

Qaraxyadan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa amaanka dalka Kenya oo howlgalo ka waday xaafad kamid ah xaafadaha Mombasa.

Ciidamadan ayaa markii qaraxa lala eeganayay waxaa ay kusii jeedeen guri loogu sheegay in ay yaalaan hub iyo waxyaabaha qarxa, waxaana markii ay kusii dhow yihiin guriga lagu tuuray gaadiidkii ay wateen Labo Bambo.

Waxaa markiiba ciidamada ay galeen guriga weerarka looga soo qaaday, waxaana halkaas ka dhacay iska hor-imaad sababay dhimashada labo kamid ah kooxihii ciidamada soo weeraray.

Qasaararaha ka dhashay qaraxyada iyo weerarkaas ayaa gaaraya 2 dhimasho oo ahaa kooxihii weerarka lagu qaaday iyo dhaawaca 10 kamid ah ciidamada Kenya.

Sargaal katirsan kuwa amaanka Mombasa ayaa wakaaladda wararka AFP usheegay in kooxahaas ay xariir la leeyihiin Shabaab.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in guriga laga soo bixiyay hub isugu jira Bastoolad, Qoriga AK47-ka, 15 Rasaas ah iyo 12 Bambooyin ah.

Xaaladda ayaa caadi kusoo laabatay, waxaana soocnaya holwgalo gudaha Mombasa.

AOL Nairobi Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.