Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa goordhow oo barqada maanta ah hortagaya xildhibaanada barlamaanka.
Mudanayaasha barlamaanka ayaa kusii qul qulaya xarunta golaha shacabka iyadoona Ra’isul wasaaraha uu halkaas ka jeedin doono khudbad dher.
Khudbada ayaa waxaa uu kusoo qaadi doonaa waxa uu qaban doono mudada uu haysto.
Qaar kamid ah xildhiaanada dowlada oo lahadlay Warbaahinta AOL ayaa sheegay in ay xildhibaanada ugu codeyn doonaan waxqabadka uu soo bandhigo Ra’isul Wasaaraha.
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka soconayay Muqdisho kulamo siyaasadeed ku aadan ansixinta Ra’isul wasaaraha.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.