Home » News »

Wafdi ka socda IGAD oo kusii jeeda Magaaladda Kismaayo

Wararka aynu ka helayno Magaalooyinka Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose iyo Nairobi ayaa sheegaya in halkaas ay kusii jeedaan Wafdi ka socda IGAD.

Wafdigaas ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay ka dagi doonaan Magaaladda Kismaayo si ay usoo indha indheeyaan xaaladda Magaaladda.

Dad lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Wafdigan ay ka kala socdaan Dowladaha Kenya, itoobiya iyo kuwa kale oo IGAD ah.

Inta ay kusugan yihiin Kismaayo ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxda ciidamada dowlada, Raaskambooni iyo Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka Amisom ee Jubooyinka.

Waxaa jira warar sheegaya in wafdiga IGAD ay ku jiraan xubno kamid ah gudigii   farsamada ee ku howlanaa dhisitaanka Maamulka Jubaland ee qorshihiisa uu ka soconayay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Lama oga waxa ay soo kordhin doonaan wafdiga IGAD ee kusii jeeda Magaaladda Kismaayo , waxaana wafdigaas tagitaankiisa uu kusoo aadayaa xili khilaaf uu ka taagan yahay maamul usamaynta Magaaladda.

AOL Nairobi Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.