Home » News »

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixyey Ra’iisul Wasaare Saacid (Dhageyso Prof. Jawaari oo natiijadii codeynta ku dhawaaqay iyo qudbaddii Ra’isal wasaare Saacid)

Muqdisho, Somalia (AOL) - Waxaa maanta shir isugu yimid Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo kalsoonida lagu siinyayey Ra’iisul wasaare  Dr.  Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) kadib markii 6 bishaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof. Xassan Sh. Maxmauud u magacaabay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya.

  Halkaan ka dhageyso qudbad kooban oo uu Baarlamaanka ka hor jeediyay Ra’isal wasaare Dr. Cabdi Faarax Shirdoon inta aanan la dhaarin

  Halkaan ka dhageyso Jawaari oo ku dhawaaqay inta codeysay iyo dhaarinta Ra’isal wasaaraha cusub Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

Ugu horayntii madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii iyo qabaarbadii uu ka geeriyooday Xildhibaan Mustafe oo kooxo  gacan ku dhiiglayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho,madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay waqti ku qaadatay inuu soo xulo Ra’iisul wasaare taas oo sabab u ahayd latshiyo uu la samaynayey bulshada qaybaheeda kala duwan intaas ka dibna uu go’aan saday inuu Ra’iisul wasaare u magacaabo Dr. Saacid, isagoona ku tilmaamay inuu yahay nabadoon isu keeni kara shacabka Soomaaliyeed, wax weyna ka qaban kara bur-burka soo gaaray dhaqaalaha dalka, sidaas daraadeed madaxwynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay siiyaan Codka Kalsoonida madaama uu yahay shakhsi samata bixin kara dalka.

Ra’iisul wasaare saacid ayaa mahadcelin u soo jeediyey madaxweynaha sida kalsoonidu ku jirto oo ugu doortay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha soomaaliya wuxuun sheegay inay saldhig u tahay waxyaalaha uu ahmiyada siinayo, Sugida Amniga, Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta adeegyada Bulshada iyo Wanaajinta xiriirka caalamka, sidoo kale Ra’iisul wasaare saacid ayaa sheegay inuu soo dhisi doono Xukumad wada shaqayn buuxda la yeelata dhamaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, Lana dagaalanta Musuq maasuqa, wuxuun si xushmad leh uga codasay Xildhibaanada inay siiyaan codka kalsoonida si uu usoo dhiso xukuumad tayo leh.

Dhanka kale Ra’iisul wasaarihii Hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo magacaabista Ra’iisul wasaare Saacid isagoona ku tilmaamay inuu yahay nin karti iyo aqoon u leh howsha baaxada leh ee hortaala.

Gudoomiyaha baarlamaanka prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa intaas ka dib u sheegay xildhibaanada inay Codka kalsoonida u qaadaan Ra’iisul wasaaraha Saacid waxaana cod aqlabiyad ah kalsoonida ku siiyey 215 xildhbaan, tiradaas oo ah xildhbaanadii soo xaadiray maanta xarunta golaha shacabka.

Ugu danbayntii Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada isagoona sheegay inuu ku difaacayo xaydaabka dastuurka dalka.


———–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.