Home » News »

Xildhibaanada barlamaanka oo cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra’isul Wasaare Dr Saacid

Xildhibaanada barlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Ra’isul Wasaaraha magacaaban Dr Saacid Faarax Garaad.

Kulankii ay maanta Mudanayaasha barlamaanka yeesheen ayaa waxaa soo xaadiray 215 xildhibaan, waxaana hadalo kala duwan ka jeediyay sedex masuul ee dowlada ugu sar sareysa.

Madaxweynaha dowlada Xasan Sh Maxamuud ayaa ka dalbaday barlamaanka in ay ansixiyaan Dr Saacid oo uu ku sheegay inuu kusoo xushay karti iyo aqoon.

Ra’isul wasaare Dr Saacid ayaa isagana soo gudbiyay waxa uu qaban doono hadii la ansixiyiyo waxaana uu sheegay inuu dhisi doono dowlad loo dhan yahay.

Xildhibaanadda ayaa qaab fartaag ah codkooda ku dhiibtay, waxaana ansixiyay dhamaan xildhibaanadii kulanka joogay oo ahaa 215 Mudane.

Sidaas ayuu Dr Saacid kaga gudbay xildhibaanada, waxaana la sugayaa xukumada u dhawaan soo dhisi doono.

AOL MUQDISHO Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.