Xaaladda Magaaladda Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa degan kadib markii maanta halkaas uu ka kacay dab qasaaro gaystay.
Dabkan ayaa waxaa uu ka kacay Suuqa Xoolaha ee Degmada B/Xaawo waxaana ka dhashay qasaaro hantiyadeed.
Waxaa gubtay Guryo fara-badan iyo goobo ganacsi, iyadoona daminta dabka ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Dad kusugan Magaaladda ayaa AOL usheegay in dabkaas uu ka dhashay Mator daarnaa.
Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay in la bad baadiyay hanti badan, sidoo kalana laga hortagay dhac loo gaysan lahaa dukaamda markii dabka uu ka kacay Degmada Balad-Xaawo.
Dhowr sano kahor ayaa dab kan ka xoogan uu ka kacay Bartamaha Magaaladda kaas oo baabi’iyay dukaamo aad ubadan.
AOL Gedo Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.