Home » News »

Gudoomiye waaxeed Saakay lagu dilay degmada Waabari

Kooxo Hubaysan ayaa saakay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku toogtay Mid kamid ah Gudoomiye waaxeedyada degmadaas.

Ragan hubaysan oo gaaraya ilaa sedex ayaa toogasho ku dilay Marxuumkan xili uu kusugnaa xaafadda Nasteexo.

Goobjooge kusugan halka dilka uu ka dhacay ayaa warbaahinta AOL usheegay in kooxihii dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen.

Gudoomiye waaxeedka degmada Wadajir ee la toogtay ayaa caan ka ahaa magaaladda, waxaana la ogayn sababta loo dilay iyo cida dilkiisa ka danbaysa.

Ciidamada dowlada ayaa Howlgalo ka wada xaafada nasteexo ee uu dilku ka dhacay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.