Home » News »

Mahiga oo soo dhaweeyay Ansixinta Ra’isul Wasaaraha Soomaalia

Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga ayaa si diiran usoo dhaweeyay Ansixintii ay mudanayaasha barlamaanka ansixiyeen Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad.

Mahiga ayaa sheegay in ku dayasho wanaagsan ay tahay talaabadii ay shalay qaadeen xildhibaanada barlamaanka taas oo dhamaantood ay ku ansixiyeen Ra’isul Wasaaraha.

‘Waxaan soo dhaweynaynaa qabkii ay barlamaanka Soomaaliya codka kalsanida usiiyeen Ra’isul Wasaaraha, waxaa ay ahayd qaab aan aad ula dhacay’ayuu yiri Mahiga.

Waxaa uu sheegay in hada Ra’isul Wasaaraha cusub laga sugayo inuu soo dhiso Xukumad awood leh taas oo wax badan ka qabata xaaladda Soomaalia.

Sidoo kale Madaxda dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee sharci dajinta ayuu ku boriyay in ay si wadajir ah ushaqeeyaan.

Xildhibaanada barlamaanka ayaa shalay codka kalsoonida siiyay Ra’isul Wasaare Dr C/Faarax Sh Doon.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.