Wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay maamul usamaynta Magaaladda Kismaayo iyo guud ahaan goboladda Jubooyinka.
Dr Cabdi Cali Xasan wasiiru dowlaha arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumadii waqtigeeda uu dhamaaday ayaa sheegay in IGAD aysan masuul ka ahayn Jubooyinka xaqna aysan ulahayn in maamul ay usamayso.
“IGAD waxba kama gelin maamul usamaynta Kismaayo iyo Jubooyinka, dowladii ayaa joogta’ayuu si kulul usheegay Wasiiru-dowlahan.
Kismaayo ayuu sheegay in dhawaan lagayn doono ciidamo ka socda dowlada Soomaaliya kuwaas oo la wareega amaanka magaaladda.
Hadalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa kusoo aadaya xili Magaaladda Nairobi uu ka soconayo kulan Maamul loogu samaynayo Jubooyinka.
AOL Muqdisho Office

Jubba maxaa u diiday dadkeedu in aay maamul sameeystaan mar haddii la yiri reer Baay iyo reer Beladweeyne maamul aay iyagu dhisteen ha sameysteena? Mise waxaa la rabaa in loo soo dhiso, maamul ku dhisan habkii duudsiga ahaa ee ina Cumar Geelle ee 4,5 oo dadkii lahaana sidaa daaqada looga saaro? Ilama wadmeeyso.
Dowladda marka hore maamul loo dhanyahay ha u sameeyo, Caasimaddii ummadda ka dhaxeeysay ee aay Degmooyinkeedu u dhigmeen Sadexda Gobol ee aay halka beel taabsatay dulmi kaa ka weyn ma jiree.
Waa wasaaradee war ina Gaas xilkii wuu wareejiyay, ninkii Shariif ahaana wuuba ka sii horeeyay ee wasiirkaan ma Saacid baa soo magacaabay mise weli qolodii hore buu u heystaa inay shaqeynayaan o meesha iska sii joogaan? tan kale ninkaan sow ma ahayn ninkii Kenya uga qeyb galay isagoo dawladii Gaas ka socda shirarkii maamulkaan la sheegayo ee la dhisayo oo weliba idaacadaha ka hadlayey, hada marka ma 360 degree miyuu kala wareegay mise xaalku waa hadii aan jagadii waayey lugtaan ku sii walaaqayaa waxaan awoodo waa Soomaali iyo caadadeed ee marka ex wasiir yuusan hadal kaa tegin Igad weyba joogaan Kismaayo dadka Kismaayana waxay doonaan bey sameyn meeshana Shariifkii wuu ka tegay ragg cusub baa jooga dawladaadii waqtigeedii wuu dhamaaday ee rumeyso oo ku qanac.
cajiib tashan mayside anaa kuu talin xagee warkaas lagu qoraa waase aduun rogane goormaa ???? dhul ????anaa maamul u samaynaya inuu yiraahdo la arkay wallee waa aduun dameero geel dhaleen wiilka qaylinaya dawladda uu sheegayo isbaarooyinka dadka lagu baaranayo xamar hakaqaado intaysan gobol daarood oo dhan ku dhanyahay ka hadlayso Jubbaland hanoolaato ayaan leeyahay
wasiir dowlihii hore, ee hadlay ileen hadda wasiir maahee. Wuxuu lamid yahay ” habartii Xaabada qaadan kari wayday, ee haddana tidhi xaabo kale ayaan doonani” Nacas dheh. Xamar buu maareen kari waayay suu juboyinka usoo hanqal taagi . War meeshan rag baa xoreestay . Waakaad ka baqaysay . Markay nimankii shabaab joogeen. kuwaas ayaana kaasoo horeeyo, fulayohow kkkkkkkk
Marka ugu horreysa waa sax oo Kismaayo waxaa maamul loo wada dhanyahay u sameysanaya REER KISMAAYO.
Laakiin Soomaali wadani ah oo yeelaya Kenya shirqoolka aay waddo
ma jiro.. Dadka JUBOOYINKA daga oo loogu sheekeeyay maamul baa
IGAD idiin sameyneysaa waa been ee waa khayaano aay wataan Kenya
iyo Shirkadaha Batroolka u qodaya.
Bal hal mar gadaal fiiriya inta aaynaan ku ordin MAAMUL U SAMEYN
KISMAAYO:-
1) Waqtigaan xaadirka ah nin reer kismaayo ah oo badda ka kaluumeysankara ma jiraa? WAA MAYA oo waad is ogtihiin.
2) War ma u heysaan in DHULBADEEDKA JUBOOYINKA aay kusoo
xadgudbeen shirkado shiidaal u qodaya Kenya oo soo saaritaanka
shiidaalka billaabaya sanadka 2013 oo bilooyin ka haray, korna ka
wada ilaalinayaan Maraakiibtii dagaalka ee Kenya ayagoo aan oggolaaneyn
in aay kaluumeysato Soomaaliyeed kasoo ag dhawaadaan aagaas oo dhan.
3) Ma lasocotaan in Maraakiibtaas Kenya in looga codsaday Qaramada Midoobay ……….Waa la yaabee bal maraakiibtani maxaay ula dagaallamayaan Kalluumeysatada reer Kismaayo?
Kismaayo illaa iyo Raskambooni qof soomaali ah ma ku dabaalankaraa?
Su-aaladahaas ha iiga jawaabeen kuwa u ordaya in aay Kenya u sameyso
MAAMUL. ayagoo ku gabanaya IGAD.
Talo:- REER KISMAAYO ha sameesteen Maamulkooda, hana ku shireen
KISMAAYO gudaheeda, hana ka tala baxaan shirqoolka aay wadaan KENYA iyo maraakiibtooda oo kor ka ilaalinaya shirkadahaas.
REER JUBALAAN waa la idin indho tiray, dhagahana waa la idinka cubay
ee indhahana fura waxna maqla.
SHIIDAALKA aay Kenya xadeyso waa kheyraad ka dhaxeeya Soomaali oo
dhan. Haddii reer KISMAAYO aaysan ka waantoobin shirqoolka loo dhigay, waxaad la arki doonaa Kismaayo oo Soomaali oo dhan iskusoo wada shubeen si aay u difaacdaan kheyraadkooda. , illeen Soomaali yeelaya
Kenya ha ku dhacdo ma jiree, ayadoo la wada ogyahay in aay horay u
dhacday dhulkii NFD.
Viva KISMAAyo, VIVA JUBALAAN, Dowlad Goboleedkiina sameesta,
Laakiin naga daba reeba Kenya iyo maraakiibteeda iyo shirkadaha tuugada ah, ANNAGANA hanoosoo jidina dagaal aan hadda tabarteeda heynin.
Soomaalia maantay dagaal ma rabto, laakiin haddii lagu khasbo WAA
DAGAALAMI ILAAHOW uu waraf xataa uu ku dagaallamo.
asc waxan marka hore salaamaya wilashan sida wanaagsan bogaan u maamula si ficaana nogu so tabiya wararka hadan intaas uga gudbo wallalayal reer gadow waad aragtan cadawada loqabo degaanka gedo iyo juboyinka dadka waxaas ku hadaqayana wadad gobole kale kaso jeeda ujedadoduna ay tahay taydana ana leeh taadana kula lihi maxay uga hadli wayeen 4sano e shabaab jogeen ama intii dagaal lagula jiray e wilaal ???? kudhamanayen maanto dhibbadan iyo dhimasho badan loso maray kismaayo waxad garankartaan danta kadanbeysa wallalayal ???? waxu ku heshiyaay burbirin ??? waxayna usameyeen odayaasha belaha ???? macanuhu wa burburinta ??? wallalay nimankinan reer ??? yaan la inaga fa idaysaniin aqli yari inama hayso wanu kagarasho badanahay ??? markay leyihiin kismaayo wamagaalo somaliyed away casimadi somaliyeed e muqdisho aheeyd guryihi iyo maalki ??? laha awaay gormay kismaayo noqotay magalo somaliyeed marba ??? hadli o oraneysa waxabanu kadagna ???? hadleysa ???? hadleysa ogaada waxaaso juqum ah ???? hadla dhahaya way ogyihiin waxay ka haani jiren somaliya wa nasiib darada maanta haysata ???? ilma aderayaalow hadaynu gacmaha isqabsano o aan usu tanaasulo ??? meel iskaka so wada jedsano walaahan kudhaarte ??? sidi aad ugu ??? unbaad igu ???? hadayse dhici waydo midnimo walhay cidhib xumida ino danbaysa in laga shekeen wa iga talo hadan wax haleyaayna hal iga raali ahaado