Home » News »

Waxgad kasoo jeeda beesha Sade oo shir ay uga hadlayeen maamul u sameynta gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kusoo gaba-gabeeyay Hotel Munlay ee magaalada Nairobi

Waxaa maanta magaalda Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay shir muhiim ah oo ay soo qaban qaabiyeen guddigii farsamada ee beesha Sade uga qayb galayey shirka dhismaha dawlad goboleedka Jubbaland ee ka socday magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan oo ajandihiisu ahaa warbixin iyo kala warqaadasho wuxuu u dhacay si aad u heer sareysa, ayada oo dadkii kasoo qeyb galayna ay isugu jireen saraakiil, waxgarad, dhalliyaro, aqoonyahanno, culumaa’udiin, odayaal, salaadiin iyo nabadoono.

Markii shirku furmay lana sheegay ajandaha waxaa warbixinno jeediyey madaxdii shirka soo qaban qaabisay, waxayna diiradda saareen in loo baahan yahay in la’isku duubnaado wax-na lawada qabsado.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxay ka warbixiyeen shirka Nairobi ka socda in uu marayo waqti gabo gabo ah loona baahan yahay in laga qayb qaato dhismaha dawlad goboleedka Jubbland, lagana ilaaliyo wixii dhibaato u keeni kara, aydadoo ay xuseen in la gaaray waqtigii ugu muhiimsanaa oo ahaa u diyaar garawga shirka oo gudaha Soomaaliya la gaynayo ama loo rarayo.

Sidookale, waxaa shirka ka hadlay aqoonyahano warbixino ka jeediyey sida loogu baahan yahay in umadda Soomaaliyeed wax lala qaybsado khaas haan bulshada Jubbaland oo ay naga dhaxayso dano gaar ah, wada noolaansho iyo wada dhalasho.

Ugu dambayntii, shirka oo aan loo oggolayn saxaafadda ayaa wuxuu socday 2:30 wuxuuna ku soo gaba gaboobay guul iyo isafgarad.

————–
Ahmmed Ismail Mohamed, Nairobi/Kenya.

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Waxgad kasoo jeeda beesha Sade oo shir ay uga hadlayeen maamul u sameynta gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kusoo gaba-gabeeyay Hotel Munlay ee magaalada Nairobi "

  1. Masha Allah. Waxaan aad ugu faraxsanahay, in walaalahay reer Sade u diyaargaroobeen, nabad iyo nidaam loo yagleelo gobolada 3da ah ee Jubbada H, Jubbada Dh iyo Gedo. Waa arrin lagu farxo loona baahnaa waahore inay dhacdo, waase Alle mahadiis mar hadii beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanadaasi ka heshiiyeen wixii horay usoo maray hadana diyaar u yihiin inay ku noolaadaan Soomaalinimo iyo Ehelnimoba. Anigoo ku hadlaya magaca Absame waxaan rajaynayaa in aan la ilaawin Soomaalida kale ee kunool gobolada inay iyaguna xaq ku leeyihiin inay si buuxda qayb uga noqdaan Maamulka soo iftiimaya. Intaas kadib waxaan u mahad celinayaa waxgaradkii labada beeleed ee sida aadka ah isugu dhabar-jebiyay waan-waanta iyo wax isu sheega.

    Asc.

  2. wil absame says:

    wan idinsalamaya dhaman asxabta, ad ayad umahadsanyihin dadka kaso qebgalay shirka waxana leyahay wa wax nowada dan ah , anaka aya wada dalanay, dhulka wanu wada lenahay walalyal yan laga faideysanin tafaruqena , nin waliba xagisa midnimo hamujiyo, dalinteni weydamaden, waxan aqiro iyo adunba an anfacaynin ayeyna udamaden, ee manta garab istaga besha calamka iyo IGAD ankafaideysano, runti jubaland ugu yaran 3000 o qof oo manta anfici lehed dadkena weynogawada damaden , ee wanaga halaga wada shaqeyo nin waliba hal iyo bar mitir ayu kaleyahay dhulkan oo wala wada dhimani ee wanaga an isku garabsano , w/a/w/w

  3. galgalato says:

    midooba D oo walaalooba oo gacmaha is qabsada jubbaland cadow uu ????? horboodayo ayaa kusoo wajahan laakin waxba ma qadayan hadan midowno ilma adeerayaalow midooba puntland hirgashaye jubaland natusa oo galgadud state natusa allahu akbar horusocodba mooyee hakanmaayan waligood viva puntland viva jubaland allahu akbar

  4. Ugaas Nuur. says:

    Acw. Ma xuma hadey kaga dhabeeyaan walaaleheena Sade Arintan. mana filayo iin wax dulmi ah lagu sameen doono hadii ay wax wada qabsi layimaadaan & walaalnimo. Waa in dadka kalena si cadaalad ah wax loola qaybsadaa . Waana la ogyahay dadka ila degaanka ah goboladaan Gedo & jubooyinka . waa inayna dhicin dulmiga ka dhacay (Banaadir & Sh/hoose) oo kale

  5. galgalato says:

    hala midoobo si looga hortago ????? adeer aan wada tashano mar madaxwayne ????? halaga dhigo mar ???? mar ????? marba qolo sadexdaa gobolna walaahi cidii isku dayda inay soo faragaliso gobolada ay hada beenta ku sheganayaan ayaa lagala wareegin ilma adeerayaalo gacmaha is qabsada midooba allgedo.com waxan leeyahay waad mahadsantihin ka dheerada wax kasta oo kala tafaraaruqeena laynoo kasoo galiayo isku ilaaliyada qaranka iyo puntland iyo jubbaland iyo galgaduud state mahadsanidin.

  6. Mareexanow fadhiga kakaca oo ficil xumada iska daaya
    Wadanka waxaa loo kala degaa irir iyo darood hadii
    Aynan isgarab istaagin oo sida hada wax ay yihiin aan labadalin khatar baynu
    Kusuganahay,sida aan maqlay darood dhul makala lahan
    Waxaynu isku haynaa waa aniga maamulka kismayo ha laiidaayo
    Iyo maya taasna waa in laga heshiiya
    Wabilaahi towfiiq

  7. walalayaal dhamaantiin waan idin slamayaa asxaabta ku xidhan allgedo runtii anigu waxaan ka soo jeedda gobalka sanaag waxaan ahay nin warsangeli ah waxaan maqlaynaa in gobalda gedo iyo jubooyinka alynu ku haysto maanta daarood wa loo tashaday ee meesha iska qaada waa muhiin in mamul xog leh ka soo baxo saddexdaa gobal sida puntland oo kale gacmaha isqabsada ??? maanta ??? iyo ???? iyo ??? waxay ku heshiiyeen in ay gobaladaa ku doodaan .absame sade iyo hartiba waa walaalo gacanta is qabsada walalayaal yaan la idinka faaidaysan ee idinku tasha oo meel wax isla dhiga saxibayaal all gedo waxaan ugu baqayaa in ay ku xidhnaadaan webka kale ee xog badan hela sida all sanaag .com waad mahad santiihiin