Home » News »

Xildhibaanada dowlada oo kulan xasaasi ah kuleh Muqdisho

Xildhibaanada barlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay kulan xasaasi ah ku leh xarunta golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Mudanayaasha barlamaanka ayaa ka doodaya qodobo ay kamid yihiin Miisaaniyada sedex-da bil ee soo socota iyo xeer hoosaadyada barlamaanka.

Gudoomiyaha barlamaanka dowlada Pro Jawaari ayaa sheegay in looga baahan yahay xildhibaanada in ay xili hore soo xaadiraan kulanka barlamaanka.

Mudanayaasha barlamaanka ayaa shalay kalfadhigii ay yeesheen ku ansixiyay Ra’iusul Wasaare Dr Saacid.

Wararkii kasoo baxa Kulanka Barlamaanka kala soco Wararka soo Aadan AOL insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.