Home » News »

Faah Faahin kasoo baxaysa Nabadoon lagu dilay Kismaayo iyo Howlgalo soconaya

Rag Hubaysan ayaa xalay gudaha Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ku toogtay mid kamid ah Nabadoonada caanka ah ee magaaladaas kunoolaa.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay Rag aan la ogayn waxa ay yihiin kuwaas oo markii ay nabadoonka dileen goobta isaga baxsaday.

Dad kusugan Kismaayo ayaa AOL usheegay in raga dilka gaystay ay bastoolado ku hubaysnaayeen ayna beegsadeen nabadoonka kaliya.

‘Nabadoonka ladilay Waa Xasan Sh Waxaana uu jiray ilaa 70 sano rag ayaa si naxariis daro ah udilay”ayuu yiri Qof ka gaabsaday magaciisa oo AOL lahadlay.

Ciidamada dowlada ee magaaladda kusugan ayaa howlgalo ka bilaabay xaafada uu dilku ka dhacay, iyadoona aan la ogayn dadka lagu soo qabtay howlgalkaas.

Kismaayo ayaa noqotay meel lagu laayo dadka shacabka ah iyadoona dhawaan Magaaladda ay ka dhaceen dilal siyaabo kala duwan shacab loogu gaystay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.