Home » News »

Maxkamad kutaal Mareykanka oo Muwaadin Soomaaliyeed ku heshay danbi la xariirinaya Al-Shabaab

Maxkamad kutaal dalka Mareykanka ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku heshay danbi ah in dhalinyarada degan dalkaas Mareykanka uu ufudeyn jiray in ay ku biiraan Al-Shabaab-ka Soomaaliya.

Maxkamada ayaa soo bandhigtay cadaymo iyo marqaati muujinaya in muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu Maxamuud Saciid Cumar uu galay danbigaan.

“Maxamuud Cumar waxaa lagu helay ilaa shan danbi oo kala ah inuu tagay Soomaaliya uuna ka qeyb qaatay dagaalada ay Shabaab wadaan, sidoo kale inuu dhalinyaro badan ka qoray gudaha Mareykanka si ay ugu biiraan Shabaab’ayuu sheegay  qaadigii Maxkamada.

Waxaa uu mutaysan doonaa xabsi daa’in hadii lagu dhawaaqo maxkamadayntiisa oo dhawaan dhacaysa, Waxaana Ninkan oo ku jira da’da 46-da sano uu beeniyay dhamaan eedeyntii loo soo jeediyay.

AOL 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.