Ugaaska beesha Sade ee gobolka Gedo, Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa baaq uu maanta soo saaray ku sheegay sida uu uga xun yahay masiibada ka dhacday Suuqii weynaa ee Balad-xaawo oo uu dhawaan Dab qabsaday, halkaas oo ay ku bur-burtay hanti fara badan, dadna ay ku dhaawacmeen.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Dhanka kalena, Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa dowladda Soomaaliya, Hay’adaha Samafalka iyo qurbajoogta beesha Sade ka codsaday in ay gar-gaar bani’aadamnimo la gaaraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay suuqa gubtay.
Waa kan hoose baaqa uu maanta Ugaaska diray:


Asc dhamaan bahwaynta sade anigoo ah dadka ku xiran shabakada allgedo ah qof kasoo jeedo beesha sade markaan udadgto dulucda ugaaska waxaan umalaynayaa inuu meel ujanjeero ooyo aniga majoogi gobolka balse waan kawrqabaa haduu ugaaska daacad yahay waa in uu gobolka tagaa oo dhibka laqaybsadaa umada laa kiin intuu iska hadaaqo uu dhaho masiibada waan kaxumahay mahan ee waa in uu kahadlaa umada gedo kunool marxalada kasta waayo dhibta baldxawo oo kali ah mahan ee duqayta keniya ay gobolka kuhayaan inuu kahadlo ayay ahayd waxaa kale looga fadhiyaa inuu horumarlaanta gobolka kajirta kahadlaa ileen isagaa yiri xilka ayaan qaadi haray baa looyir xil nin qaaday eed qaad marka ilaa hada ugaaskan isagoo wax qabtay maan arag waxaa kale oon ugu darayaa inuu wax uqabta umada uu sheganayo iga raali ahaada hadalka ayaa ila taraaraxaye