Waxaan salaan sharaf badan iyo mahad Celin u direeynaa maamulka Ku guuleeystay Hirgalinta dhismaha Gagida diyaaradaha ee magaalada Caabudwaaq (Abudwak Interanational Airport) iyo intii gacan ka geysatayba.
Hadii aan nahay Ururka Guyo dhamaanteen, waxaan idinkaga mahad celineeynaa, shaqadaas wanaagsan ee aad u qabateen umada deeganka iyo Soomaali oo dhan, waxaana idin leenahay “mahadi ha’idin ka gaarto hawsha aad ku tilaabsateen, ajar aan lasoo koobi karin iyo abal marin wanaagsana Rabi ha’idinka siiyo. ”
Waxaan kula dardaar meeynaa dadka deegaanka dhamaantood in la adkeeyo Amniga iyo kala danbeynta Garoonka Cusub, wixii ka dhimana in laga wada qeyb qaato meel walba oo ay joogaan dadka deegaanka iyo Soomaalida kalaba.
Waxaa kale oo aan u mahad celineynaa Shirkada diyaaradaha Juba Airways ee biloowday in ay ka qaado dadka xajka u socdaalay, waxaana leenahay “shaqadiina Rabi ha idiin barakeeyo.”
Waxaan ku baaqeynaa in diyaaradaha kale ay ku dadydan Juba Airways, anaga oo mar labaad iyo mar sadexaadba u mahad celinyno maamulka Guud ee garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq iyo qof walba oo in ay mashruucaan sida weyn loogu baahnaa hergalintiisa xil iska saaray.
Waxaan soo jeedineeyna in la hirgasho dhaman adeegyada bulshada degmada Caabudwaaq iyo deegaanada kalaba si looga faa’ideeysto.
Sidoo kale, mar labaad waxaan codsaneeynaa in la adkeeyo nabad galyada oo saldhig u ah noolasha bani’aadamka, waana in lagu dadaalo ka hortaga wax walba oo caqabad ku keeni kara nabad ku wada noolaanshaha dadka deegaanka, waana in lasameeyaa is dhex galka dadka deeganka iyo kala faa’ideeysiga sida ganacsiga iwm.
—————
Gelinsoor United Youth Organization
Tel: 254722112500, Email: guyo66@hotmail.com

Dadka kalana ha kudaydaan dhiira galinta ururkaan oo kale arinta aysoo jeedsheena waa kumahadsanyihiin
aad ayaan ugu farxsanahay wax qabadka garoonkaas waxaana kamid ahay 1 of pple who donated or conterbuted lakiin runtii wali matagin ama fursad uma helin in aantago caabudwaaq sidaan usoo arko garoonka balse waxaan dareemayaa in wax la isku dayey oo lacagihii aan dirnay wax un lagu qabtay for me is good news realy and i hope in ladhameeyo the rest