Soomaalida degan Dalka Mareykanka, gaar ahaan Gobolka NashaVille ee Magaalada Tannessee oo laga Codasey in ay baadi goobaan gabar lagu Magacaabo Faadumo Cabdi Maxamed Khaliif oo maqan mudo ka badan ilaa 16 sano.
Cabdi Maxamed Khaliif (Wise) oo ka mid aha dadka Soomaalida ah ee u dhoofay Wadanka Mareykanka sanadka markuu ahaa 1993dii, waxuuna degay Xilligaasi Gobolka NashaVille ee Magaalada Tannessee, Sanad ka dib waxaa wada dhoofay Gabadhiisa oo lagu magacaabo Faadumo Cabdi Maxamed oo xilligaasi 7 sano jir ahayd iyo Gabar kale oo uu rabey in ay u noqoto Xaas, bale nasiib daro markii ay isugu tageen Cariga Mareykanka heshiiskii Guur ayaa bur burey.
Waxaana isu soo harey Aabahii iyo gabadhiisa Faadumo oo in mudo ahba ay meel kuwada noolaayeen, Mudo ka dib Cabdi Maxamed Khaliif (Wise) waxaa lagu eedeeyey in uu meel uga dhacay Xaquuqda Gabadhiisa in laga Qaato Gabadhiisa, ka dib wuu ka daba tegay, waxuuna kasoo xadey meeshii la geeyey, dabadeedna waa laga daba yimid gabadhana waxaa looga qaatey si Qasab ah, isagana waxaa loo taxaabay Xabsi ku yaala Magaaladii uu deganaa ee Dalka Mareykanka oo uu ku xirnaa mudo ka badan ilaa Lix sano, taasoo ugu dambeentiina keentay in loo soo masaafuriyo Dalka Soomaaliya.
Cabdi Maxamed Khaliif (Wise) oo ahaa Abaha Gabadha Dhaley oo hadda da’deeda lagu qiyaasay ilaa 23 jir ayaa arintaasi waxay ku reebtay Xanuun dhinaca dhimirka ah, waxuuna isagoo xanuunsan uu ku nool yahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Gabdhiina ilaa iyo hadda lama oga meesha ay ku sugan tahay.
Sidaas daraadeed, dadka Soomaaliyeed ee degan Dalka Mareykanka, Jaaliyadaha iyo dadka u dooda Xaquuqda aadanaha waxaa si naxariis leh looga Codsanayaa in ay baadi goobaan gabadhaasi Faadumo Cabdi Maxamed oo markii war ugu dambeysay ku noolayd Dalka Mareykanka Gobolka NashaVille ee Magaalada Tannessee.
Hadaba waxii faah faahin dheeri ah waxaad kala xariiri kartaan gabadha adeerkeed oo la yiraahdo Cali Maxamed Khliif (Cali Daqare) oo degan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, Telefon No. 00252615576221.
—————–
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo
saalixi225@hotmail.com

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.