Ayadooo sanadka soo socdo la filaayo in la qabto doorashada Madaxweynanimada dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa hadana waxaa soo baxaayo Musharaxiinta u hanqal taageyso iney qabtaan xilkaas.
Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Liibaax) waa musharax u taagan inuu qabto xilka Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland sanadka soo socdo.
Waxeyna sheegayaan illo wareedyo ku dhow musharaxa inuu ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa, Bisha November ee fooda inagu soo hayso.
Abdullahi Ali Bare (Ciddi Liibaax) waa ganacsade dhaqaaalo-yahan iyo siyaasi ah oo aad looga yaqaano barriga africa, wuxuuna ku taqsuusay kobcinta dhaqaalaha, horumarinta Siyaasadda, ilaalinta xaquuqul insaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Cabdullaahi Ciddi-Liibaax oo xiriir dhow la leh shacabka dagan Puntland dhawaan ku tagay booqosho uu ku soo indha indheyay xaaladdaha bini’aadanimo iyo tan dhaqaale ee ka jirto deegaanada Puntland, ayaa balan qaadayo inuu isbadal muuqdo ka hirgalin doono Puntland hadii la doorto.
Waxaana la sheegay inuu yahay musharaxaan kan ugu cad cad siyaasiyiinta u hanqal tagaayo iney qabtaan xilka madaxweynaha Puntland doorashada la qaban doono sanadka soo socdo ee 2013.
Musharaxa ayaa balan qaaday hadii shacabka ay kalsoonida siiyaan oo uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Puntland, inuu wax ka qaban doono arrimaha Amaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee Puntland ay la leedahay wadamada daneeyo arrimaha Somalia.
Sidoo kale wuxuu balan qaaday inuu sameyn doono Shaqo abuuris, barnaamijyo ku saleysan awoodsiinta dhalinyarada iyo si siman loo qeybsado kheyraadka.
Musharax Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Liibaax) ayaa sheegay inuu dib u dhis casri ah ku sameyn doono Kaabayaasha dhaqalaha sida Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha, Suuqyada waa weyn ee ku yaallo Puntland iyo shaqo galinta qeybaha wax soo saarka asagoona sheegay inuu ku dhirri gelin doono Wadamad horumaray iney maalgalin xoogan ku sameyaan Puntland.
Ugu danbeyntii musharax Cabdullaahi Cali Barre, ayaa balan qaaday inuu dib u dajin u sameyn doono dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku soo barakacay ee loo yaqaano IDP’s, uuna ka shaqeyn doono mideynta shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay addunka joogaan.

Ari heedhahaya, cidii kaloo la doortaba yeelkeede, odaygaan Faroole ah iyo wiilashiisa yaa dhinac inoo dhaafiya. Aniga waxaan talada u dhiiban lahaa Dr. Cabdiwali Gaas, asagaa la arkey waxqabadkiisa iyo dulqaadkiisee.
ASC
Dr. Cabdiwali Gaas waa xildhibaan dawlad ku sheega 4.5 ee Uganda.Waxaan jeclaan lahaa in lasiiyo fursad siyaasiyiinta kale iyo aqoonyahanada reer puntland Dr. Cabdiwali Gaasna uu Ugaandhayska iskala joogo mudaba ayaguu lajoogay.
c/wali cali gaas waa muwaadin waxa u qabnya umadda waa na in lagu sharfaaaa