Home » News »

Wiil 17 jir ah oo uu awow u yahay hogaamiyihii hore ee Waqooyiga Kooreeya Kim Jong Il oo wareysi la yaab leh bixiyay (Daawo Video)


Kim Han Sol, wiil uu awow u yahay hogaamiyihii hore ee North Korea Kim Jong Il.

Wareysi uu dhawaan siiyay Teleefishanka Finland (qeybtiisa luuqadda Ingiriiska), Kim Han Sol oo ah wiil 17 jir ah oo uu awow u yahay Kim Jong Il oo ah hogaamiyihii hore ee mudada dheer soo xukumayay dowladda Waqooyiga Kooreeya (North Korea), kasoo hadda dhigta Jaamacadda United World College oo ku taala magaalada Mostar ee dalka  Bosnia ayaa si weyn uga yaabiyay dunida.

Waxaa cajiib ah qaabka uu wiilkaan yar ee ku jira sanadka koowaad ee Jaamacadda uu uga jawaabay dhamaan su’aalihii la weydiiyay oo dhan, asaga oo aad moodo in uu yahay siyaasi ruug cadaa ah iyo waliba asaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalkii 1950–53 wadankii Korea loogu kala qaybiyay Waqooyi iyo Koofur.

Intaas waxaa kasii daran, ayada oo mar wax laga weydiiyay waxa u qorsheysan marka uu jaamacadda dhameysto uu yiri “waxaan rabaa in aan ka howl-galo Hay’adaha samafalka si aan wax ugu qabto dadkeyga la kala gooyay ee wadaaga dhalasho, luuqad iyo dhaqan qudha, kaddibna aan ka shaqeeyo sidii aan u mideyn lahaa labada Korea!.”

Bal si aad u daawato wareysiga la yaabka leh ee wiilkaan yar lala yeeshay, hoos ka daawo wareysiga koowaad:

Iminkana hoos ka daawo wareysiga Qeybtiisa labaad:

—————
The author of this article, Aden Colujoog is an AOL’s Editor-In-Chief and can be reached at adencolujoog@yahoo.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.