Afhayeenka Kooxda Shabaab ee dhanka howlgaladda Sh Casiis Abuu Muscab ayaa war kasoo saaray dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay qeybo kamid ah goboladda Sh/Hoose iyo Jubooyinka.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ku dhawaad 5 askari oo katirsan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay ku dileen deegaanka Shalaanbood ee gobolka Sh.Hoose kadib dagaal ka dhacay.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in askar kale oo katirsan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay ku dileen degmada Walaweyne iyo Yaaqbari weyne.
Afhayeenka Kooxda Shabaab ayaa dhanka kale sheegay in dagaalyahano katirsan ciidamadooda ay kusugan yihiin Magaaladda Kismayo.
Shabaab ayaa inta badan laga qabsaday goboladda dalka, waxaana haatan ay kusugan yihiin deegaano aan badnayn oo Koofurta iyo bartamaha.
AOL Muqdisho

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.