Home » News »

Amisom: Sugida amaanka Kismaayo waa howl-utaal dowlada

Taliska ciidamada Amisom ayaa war kasoo saaray falalka amaan xumada ah ee ka jira Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka Amisom Col. Cali Aadan Xaamud ayaa ka sheegay shir uu saxaafada uqabtay in ciidamada Amisom ay kaalin ka gaysteen qabashada Kismaayo lagana doonayo dowlada in ay la wareegto amaanka.

‘Amisom waxaa ay gacanta ku dhigtay Kismaayo iyo magaalooyin kale waxaana la doonayaa in ay amaankeeda sugaan ciidamada dowlada”. ayuu yiri Afhayeenka Amisom.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeenka ciidamada Amisom waxaa uu sheegay in ciidamada Amisom ay ku garabsiin doonaan dowlada ka hortaga kooxaha falalka amaan xumada ah gaysanaya.

Kismaayo ayaa waxaa waayadan ka jiray falal amaan xumo ah, waxaana dhacayay dilal iyo qaraxyo qorshaysan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Amisom: Sugida amaanka Kismaayo waa howl-utaal dowlada "

  1. Ali Yare says:

    Kismaayo wabo laga weydiin mayo wiilkaan reer jabbuuti uma hadli karo kismaay, waxaana iska leh magaaladaas ddkii daggenna iyaga ayaana maamul u soo dhisanay, ammaankeedana iyaga ayaa gacanta ku ahaya, midda kale maamul uma soo dhisi karto kismaayo dawladaan taagta daran waayo dalku waa federaal waa in taas lagu qancaa oo qof walbaa uu dhulkiisa maamul u samaysataa, dadka teer kismaayo waxay ku dhaqmayaan dastuurka waxayna soo dhisanayaan maamul ay caasimada u tahay bu,aale. waxaa la soo dooran doonaa madaxweyne maamulgoboleed la mid ah kan puntland, waxaana halkaas ka soo bixi doono wixii muddo dheer la doonayey ee ahaa in dhulweynaha daarood la mideyo lana hormariyo, waxaan idiin xaqiijinayaa in waddo laami ah laga soo billaabi doono gaalkacyo oo soo dhex mari doonto gobolka gedo in la keeni doono kismaayo si loo xoojiyo ganacsiga iyo dhaqqaalaha gobolada dhulweynaha daarood, arrintaas gacanta ayaa lagu hayaa waxayna billaaban doontaa waqti aan dheerayn, waxaana qorsha fog u yahay in la helo ismaamul goboleed ballaaran oo dhex mara dhulweynaha daarood ismaaciil oo qorshe sal adag xambaarsan kana maarmi doona in muqdisho laga xukumo, waxaa kale oo laga hortagyaa in aysan dhicin wixii dhacay 1991 oo kale. wadadaas ama laamigaas dheer xitaa waxaa uu mari doonaa Jigjiga, waxaana uu si baahsan u dhexmari doonaa degmo illa tuulo dhulweynaha daarood, qorshahani waa qorshe dheer oo mustaqbalka fulu doono waxaana loo xilsaaray dad xeel dheerayaal ah waana billaabatay hawshaas, waqti dhawna waxay socdaallo ku mari doonaan gobollo muhiim ah si loo fahamsiiyo dadweyanah. qorshahaan waxaa uu qayb ka yahay aayo ka talinta dhulweynaha daarood micneheeduna ma ah in laka jarayo soomaliwen.

  2. Abdiasis says:

    S.c.w salaan kaddib ciidamada amisom way joogaan kismaayo kuwii dowladda ee ka soo jeeday deegaankana way joogaan ee maxay tahay ciidamada uu sheegaayo cali ee la wareegi doona kismaayo? meesha aad kaga sugantahay somaliya amaankeda sug kismaayo waxba kaalama soo jiraanee. haddii aad dan kale leedahay oo aad iririsam kii la sheegayay aad waddidna waa lagula fahansanyahay sxb. gobolada ciidamada amisom way joogaan kuwii deegaanka iyo dowladiina way joogtaa marka lagaagama baahna adiga cidda kula socota toona sxb ee hadalka ha iska khasaarinin

  3. Ibnu guure says:

    Sxbyal miyad waalantihiin kenya o dadka iyo duniduba ugu liidata mamul usameynta juboyinka markay ka hadasho wad u sacabo tumeysaan dowladina iyo ninkan somaliga ahna markii ay hadlaan waad caayeysaan ma dawlada aya doneysa inay juboyinka dhacdo mise kenya ayaa walalahin ah ee dhulkina burburinaya o hoosingow,jilib,ceelcade iyo janacabdale shacabka ku leynaya walalayal inaga aan is dhageysano ee yaanan dhageysan kufaartan kenya iyo kuwo kaleba dowlada ayaba dabo dhilif iska ahe aan iyada dhageysano intanu gaalkan kenya amnigeda sugi waayey dhageysan laheyn wscm