Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay bandow bilow maqribkii kaas oo ku ekaa saakay.
Bandowgan ayaa waxaa ay saraakiisha dowlada sheegeen in looga dan lahaa sugida amaanka magaaladda.
Howlgalo lagu soo qabtay dad aad ubadan ayay ciidamada dowlada ka sameeyeen Magaaladda iyadoona bandowgaas uu si wanaagsan uga hirgalay Magaaladda.
Dhanka kale Saraakiisha dowlada ee Kismaayo ayaa sheegay in farmashiyaal kuyaal magaaladda laga helay hub aad ubadan.
Hubkan ayaa waxaa kamid ah 26 qori oo AK47 ah, Rasaas iyo Bambooyin kale oo aad ubadan.
Dadkii Farmashiyaashaas kusugnaa ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu eedeeyay in ay xariir la leeyihiin kooxaha amaan xumada ka gaysta Magaaladda.
Kismaayo ayaa waxaa waayadan ka jiray falal amaan xumo ah iyadoona magaaladda ay ka dhaceyeen dilal qorshaysan iyo qaraxyo.
AOL, Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.