Home » News »

Ey amar lagu siiyey inuu ku kaadiyo kuna saxaroodo Qaadka

Iyadoo lawada ogsoon yahay in qaadku yahay xaaraan, caafimaadkii dhalinyarada iyo dhaqaalihii ummadeenana uu bur buriyey, ayaa dhanka kale waxaa soo baxaya masawiro katurjumaya sida aan marnaba wax xushmad ah loogu hayn dadka qaadka cuna ee kunool wadamada reer galbeedka ah kuwaasoo amar kusiiya eyda inay ku saxaroodaan qaadka korkiisa.

Arintaas ayaan waxaan wax kawaydiinay qaar kamida culumada ugu waaweyn magaaladan London, waxana marka hore isku wada raaceen inuu qaadku yahay xaaraan, hadii  EY taabto ama ku kor fariistom iyo hadii uu ku kor saxaroodo wuxuu Qaadkaasi noqonayaa  xaaraan lagu daray najaaso.

Hadaba su’aasha is weydiim talehi waxay tahay, muqayaliintu maxay najaasadaan cusub kayeeli doonaan iyadoo weliba dhaqaatiirtu sheegaan in xanuuno Qatar ah laga qaadi karo kaadida eyga.

Waxaan ugu baaqaynaa Muqayiliinta Soomaaliyeed ee kunool wadamada reer galbeedka ah inay iska ilaaliyaan, iska yareeyaan, iska daayaan, cunista qaadka , ama ugu yaraan is ka mayraan kaadida iyo xaarka eyga.

————
Gudoomiyaha ladagaalanka qaadka
Abukar Awale (Qaad-diid)
abukar_aw@yahoo.co.uk

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.