Home » News »

Qarax xooggan oo Beledweyne lagula eegtay ciidamada Itoobiya

Qarax xooggan ayaa saakay ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaaladda Beledeyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa waxaa uu ahaa Bambo nooca dhulka lagu aaso ah waxaana lala beegsaday ciidamada Itobiya xili ay marayeen gudaha Magaaladda.

Dad kusugan Beledweyne ayaa AOL usheegay in ku dhawaad 4 kamid ah ciidamada Itoobiya ay ku dhinteen qaraxa kuwa kalana dhaawacyo kasoo gaareen.

Ciidamada Itoobiya ayaa rasaas xooggan furay markii qaraxa uu dhacay kadib, waxaana soconaya howlgalo lagu baadi goobayo kuwii ka danbeeyay qaraxaas.

Marar badan ayaa sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday ciidamada Itoobiya ee kusugan Magaaladda Beledweyne.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.