Home » News »

Qudbaddii ugu danbeysay ee uu AUN Jaale Siyaad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed (Daawo waxqabadkii Kacaankii 21-ka October)


Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, isla markaana ahaa Xoghayihii guud ee Xisbigii Kacaankii 21-ka October, S/Gaas Maxamed Siyaad Barre oo mudadii 21-ka sano aheyd ee uu dalka Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh, ayaa nasiib daro  umadda Soomaaliyeed waxay si ka fiirsasho la’aan ah si fudud u bur-buriyeen waxii uu madada dheer Kacaankii barakeysnaa usoo qabtay.

Dhanka kale, waxaa nasiib wanaag ah, wixii dhacayba waa dhaceene, sida aad Video-ga hoose ku arki kartaba, in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo dal iyo dibadba jooga oo si weyn uga qoomameynaya qaladkii ka fiirsasho la’aanta ahaa ee ay umadda Soomaaliyeed muddo gaaban isaga bur-burisay dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo xataa caqiidadooda iyo sharaftii iyo karaamadii lagu yaqiinay.

Allaha u naxariistee, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaale Maxamed Siyaad Bare ayaa sanaddii 1991 intii aanay dagaaladii sokeeye ku faafin Muqdisho waxuu Qudbadiisii ugu dambeysay ee uu jeediyo shacabka Soomaaliya u mariyay Radio Muqdisho.

Video-ga hoose ka daawo sida ay wax garad Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh uga marqaati kacayaan waxqabadkii iyo guulihii uu Kacaankii 21-ka October usoo hooyay umadda Soomaaliyeed:

Hoos ka dhageyso Qudbadii qiimaha badneyd ee uu madaxweyne Maxamed Siyaad xiligaas shacabka Soomaaliyeed u jeediyay.

Hoos ka daawo muuqaalka waxqabadkii Kacaankii barakeysnaa ee umadda Soomaaliyeed u horseeday horumarkii dhinacyda badan lahaa ee ay calfan weyday:

Hoos ka dhageyso qudbadii Jaale Siyaad ee xuquuqda dumarka:

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Qudbaddii ugu danbeysay ee uu AUN Jaale Siyaad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed (Daawo waxqabadkii Kacaankii 21-ka October) "

  1. mohammed ali says:

    Waad salaamantihiin dhamaantiin ASC
    Taarikhdiisii 21kii sano waxaan kasoo qaadanaynaa dhinaca hurmaka iyo sababaha ay dowladaasi u burburtay.
    1.Soomaliya waxay ahayd wadamada soo koraya xaga warshadaha (industrail Development) 1970s-1980s. Waa amaan aymudanyihiin hogaankaas.
    1a.Adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka oo bilaash ahaa ilaa heer jaamacad (Academy standard) xaga waxbarashadda.
    2.Sababaha burburka keenay: Iyadoo taliskii iyo awoodii dowladda lugu soo koo bay Magaalada kaliya ee Muuqdisho, burburisayna iskudheelitirkii wadanka oo dhan, taas oo kacaraysiisay qabaailadii kale ee Soomaliya kuna abuurtay kacdoon siyaasadeed iyo mid miltari. Ugudanbaytiina ay dawladaas awoodiwayday Gobolkale ay ugu wareegto intu kacdoonadaas jiraan.
    2a.Siyaasadii dowladaha dariska iyo caalamka oo xumaaday iyadoo dawladaas la jaanqaadiwayday isbadaladii kadhacayay caalamka markaas, oo sabab wayn u ahayd burburkii xaga dhaqaalaha ku yimid.

    Waxaan ku soo koobayaa: In lagabarto taarikhdaas wixii horumarka ahaa ee dhinac walba lahaa, iyo in lagabarto khaladaadkii sida ku koobida awooda dowlada halmagaalo oo kaliya, si aysan u lumin isku dheelitirka dawladeed.Wakhtigaan xaadirka ah Soomaliya dawlad kamajirto taas ogaada 4.5 aduunka lagama yaqaan, waana wax lagu qoslo madaxwayne 4.5 lagu soo doortay. AUN Maxamed Siyaad Bare wuxuu ahaa madaxwaynihii ugu danbeeyay Soomaliya mustawaha Aduunka ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah.

  2. ahmed yare says:

    waxaan la yabaa markaan dhagaystay qodbadaaan taariikhiga ah in uu ogaaa waxaa soo socda ama dhici doona ayadoo bani aadamka ilaahay ka qariyay cilmiga qarsoon hadana aqliga ayaa qofka tusaaya waxa socda waxa ay ku danbayn doonaa laakiin dadka oo dhan saas u fakari karaan waa sidii ilaahay aqligga u kala siiyay illahay ha naxariisto