Waxaa habeennimadii Sabtida ee 20ka Oktoober 2012ka lagu qabtay magaalada TORONTO ee Dalka CANADA xaflad ballaaran oo si heer sare ah oo loo soo qabanqaabiyey, waxaa xaflada lagu qabtay Hotelka DAYS & CONFERNCE CENTRE waxaana ka soo qeyb galay dhamman qeybaha bulshada oo aan u kala harin iyadoo tirada dadkii ka so qeyb galay awgeed uu buuxdhaafay hoolkii xafladda oo meel la istaago laga waayey, iyadoo taasi muujineyso rabitaanka iyo xiisaha bulshada Soomaliyeed gaar ahaan Qurbojoota u qabaan soocelinta iyo soonooleynta qarranimadii Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa munaasaadda ka hadlay oo hadallo qiimo leh ka soo jeediyey Odayaal, waxgarad, culumaa’diin, aqoonyahanno, gabdho, dhalinyaro iyo siyaasiyiin ka socday Dawladda CANADA waxayna dhammaantood muujiyeen taageerada iyo soo dhoweynta magcaabista dhowaan loo magcaabay xilka WASIIRKA KOOWAAD ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (SAACID), waxaa kaloo munaasibadda lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay kooxaha fanka soo bandhigeen, waxaana guud ahaan xafladdaas ka muuqatay biseyl iyo isbedel siyaasadeed oo bulshada soomaaliyeed ka muuqda, waxayna ka soo qeybgalaayaashii munaasabaddaas ka muuqday farxad iyo reyn-reyn iyadoo rajo fiicaan laga qabo isbedelka cusub ee dalka ka dhacay.
Wasiirka Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xafladda kaga soo qeybgalay khadka TELEEFOONKA, wuxuuna ugu horeyntii aad ugu mahadceliyey dadkii xafladda ka soo qeybgalay, dhinaca kalena wuxuu dadka qurba joogta ah u ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan in dawladdu ay u diyaariso jawi suurtageliya sidii ay dalkoodii hooyo ugu soo noqon lahaayeen mustaqalka oo ay uga heli lahayeen tacliin, daryeel caafimaad iwm, waxayna munaasabaddaas oo aad u xiiso badneyd ku soo gebagebowday farxad iyo xiiso badan.
Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato si uu kuugu weynaado dushiisa hal mar Guji.
———–
WQ: Abdi Aden Hassan (Zeylici)
yabdi9@hotmail.com
Toronto-Canada.










comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.