Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa kulan gaar ah maanta xafiiskiisa kula qaatay Ururada Haweenka.
Kulankan ayaa waxaa ay uga wada hadleen doorka Haweenka ay ku leeyihiin Xukumada cusub ee lafilayo in dhawaan uu ku dhawaqo Ra’isul Wasaare Dr Saacid.
Markii kulanka uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada war siiyay Cabdi Xaaji Goob-doon isagoo sheegay in kulanka ay ururada haweenka kusoo gudbiyeen rabitaankooda ku aadan in xukumada laga siiyo jagooyin muhiim ah.
Haweenka ayaa loo balan qaaday in ay kaalin muuqata ku yeelan doonaan Xukumada la filayo inuu soo magacaabo Dr Saacid Faarax Garaad.
Kulankan ayaa kamid ah latashiyadii ugu danbeeyay ee Ra’isul Wasaaraha uu ku doonayo inuu kusoo magacaabo Xukumadiisa.







comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.