Home » News »

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo ku dhawaaqi doona xukumadiisa iyo nooca ay noqon doonto “Top News”

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa lagu wadaa  in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo Xukumadiisa cusub.

Warar aynu ka helnay Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in lasoo gaba gabeeyay kulamadii ugu danbeeyay ee ay madaxda dowlada ka lahaayeen soo dhisada xukumada cusub.

Ra’isul Wasaaraha dowlada Dr Saacid Faarax, Madaxweyne Pro Xasan Sh iyo Gudoomiyaha barlamaanka Pro Jawaari ayaa kulan gaar ah ku qaatay xalay madaxtooyada iyagoo isla eegay magacyada raga lasoo xulay.

Dad kusugan Madaxtooyada ayaan ka xaqiiqsanay in Wasaraadaha ilaa iyo haatan lahayo ay kamid yihiin kuwii ugu muhiimsanaa.

Xisbiga Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa Xubno badan ku leh Wasiirada la qorsheeyay.

Sidoo kale Xisbiga Ra’isul Wasaare Dr Saacid ayaa leh qaar kamid ah Wasiirada Cusub, halka Xubno katirsan Xulufadii doorashada Madaxweyne Xasan Sh lagu dhex arkay Wasiirada Cusub.

Gudoomiyaha barlamaanka dowlada ayaa isagana la rumaysan yahay in labo xubin uu ku leeyahay Golaha Wasiirada, waxaana ay ka imaan doonaan rag kula jira barlamaanka Soomaaliya.

Nooca ay yihiin Golaha Wasiirada

Waxaa Xubnaha ugu badan ee Wasiirada Cusub lasheegay in ay ka imaan doonaan gudaha dalka iyadoo la diiday xubno badan oo qurbaha ka imaan lahaa.

Sidoo kale Xubnahan ayaa ubadan Aqoonyahano wax ka dhigay Jaamacado kuyaal Magaaladda Muqdisho.

Ma ahan xubno aqoon uleh siyaasada Soomaaliya, inkastoo ay yihiin aqoonyahano.

Waxyaabaha kale ee laga sheegi karo waxaa kamid ah in aysan haysan Baasabooro shisheeye si lamid ah sidii dowladihi hore ee Soomaaliya.

Dad aynu kala hadalnay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirada Cusub ee lagu dhawaaqi doono saacadaha soo aadan ay xadir ku yihiin Muqdisho.

Si kastaba Ra’isul Wasare Dr Saacid ayaa mar kale hortagi doona barlamaanka isagoo horgeyn doona xukumadiisa cusub marka uu ku dhawaaqo.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.