Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda QM.
Wafdigan ka socda QM ayaa waxaa ay kasoo anbabaxeen Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaas gaysay diyaarad gaar ah.
Saraakiil katirsan kuwa dowlada, Raaskambooni iyo kuwa Amisom ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Wafdigan Hay’adaha QM ka socda.
Wararka aynu ka helnay Magaaladda ayaa sheegaya in Wafdigan gaaray Kismaayo ay ka kala socdaan Hey’adaha WFP, WHO, hey’adaha ammaanka qaabilsan iyo hey’ado kale sama fal ah.
Inta ay kusugan yihiin Kismayo waxaa ay booqan doonaan xarumo kuyaal magaaladda, sidoo kale waxaa ay la kulmi doonaan Saraakiisha dowlada iyo kuwa Amisom ee Kismaayo.
Amaanka Magaaladda ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la arkayaa ciidamo howlgalo ka wada gudaha magaaladda
Wararkii soo Kordha dib kala soco Insha Allah AOL

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.