Home » News »

Ahlu Sunna Waljamaaca oo Guriceel ku qabatay Saraakiil Shabaab ah

Wararka ka imaanaya Magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas ay ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca kusoo qabteen rag katirsan kooxda Shabaab.

Ragaan ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Guriceel kadiob markii ay kasoo dageen diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen.

Muuse Tashade madaxa dhinaca amniga ahlusuna ee Guriceel ayaa sheegay in ragaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha iyadoo la ogaa waxa ay yihiin.

Ragga la qabtay ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 3, waxaana ay ku eedeysan yihiin in ay katirsan yihiin Shabaab.

Dad kusugan Guriceel ayaa AOL usheegay in ciidamada Ahlu Sunna ee kusugnaa garoonka diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen sedexdan Nin iyagoo kasoo dagaya diyaarada.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.