Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal qasaaro gaystay.
Dagaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay jidka ugaleen ciidamada Huwanta ah xili ay kusii jeedeen deegaanka Kalbiyow oo kudhow Kismaayo.
Inkastoo aan la ogayn qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, hase ahaatee dagaalka oo aad uxooganaa isla markaana soconayay ku dhawaad hal saac ayaa laga cabsi qabaa in qasaaro nafeed uu gaystay.
Ciidamada Huwanta ayaa lasoo sheegayaa in aysan wali gaarin deegaanka Kulbiyow laakiin ay kusii jeedaan.
Al-Shabaab ayaa wali ku xooggan qeybo kamid ah goboladda Jubooyinka, inkastoo ay ka baxday gacantooda Magaaladda xarunta ah ee Kismaayo.
AOL Kismaayo Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.