Hay’ada danbi baaritsa dowlada Soomaaliya ayaa goordhow Magaaladda Muqdisho kusoo bandhigtay dad ku eedeysan in ay falal kala duwan ka gaysteen gudaha Muqdisho.
Dadkan ayaa tira ahaan gaaraya 18, waxaana intooda badan ay ku eedeysan yihiin in ay katirsanaayeen kooxda Shabaab.
Waxaa ku jirta Haweeenay lasheegay in ninkeeda uu xili hore isku qarxiyay banaanka xarunta Madaxtooyada ee Magaaldda Muqdisho.
Sidoo kale Waxaa ku jira askari katirsan ciidamada dowlada oo dil ugaystay askari kale.
“Baaritaano dheer oo ay samaysay hay’ada danbi baarista dhamaan dadkan waxaa ku cadaaday danbiyadi lagu eedeeyay”ayuu sheegay Taliyaha Hay’ada CID- C/laahi Xasan Bariise.
Waxaa ay mutaysan doonaan xabsiyo kala duwan sida uu sheegay Taliyaha oo saxaafada kula hadlayay xarunta danbi baarista.
AOL- Muqdisho Office

waxaa la yaab ah in taliyaha danbi baarista u sheega had iyo jeer dad lagu soo
qab qabtay magalada,websitkiinana u soo qoro waax an cadeymo laheen an
la soo bandhigin magaac ama sawara,ma waxaad heshiis ku tihin ii dheeh?allgedo,maxay u qortaa waax an cadeymo loo haynin,hadii aniga an soo qoro
waxaan qabtay ciidama badan oo isqarxinay ma soo qoreysaan?waa yaab
allgedo isku xishooda ee ka daaya webka waax an jirin oo an la hubsan.w.towfiiq