Home » News »

Qaraxyo Ciidamada dowlada lagula eegtay Balcad iyo Shalaanbood

Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goordhow oo maanta ay qaraxyo lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa waxaa ay si gaar ah kaga dhaceen degmooyinka Balcad iyo Shalaanbood ee gobolka Sh/Hoose.

Dad lasoo hadlay AOL ayaa usheegay in ciidamada dowlada qarax xoogan lagula eegtay Magaaladda  Balcad, waxaana halkaas ka dhashay dhimashada ilaa 5 askari iyo dhaawaca kuwa kale.

Qarax kale oo aad uxoogan ayaa ciidamada dowlada lagula eegtay degmada Shalaanbood, lamana oga qasaaraha qaraxaas.

Ciidamada dowlada ayaa howlgalo ka wada degmooyinka ay qaraxyadaas ka dhaceen.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Qaraxyo Ciidamada dowlada lagula eegtay Balcad iyo Shalaanbood "

  1. Shokirov says:

    oska105ilaahaa mahad u sugnaatay ka soo saaary alshabaab inta ku hartayna waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu xaqqa fahansiyo oo ay ka soo haraan hadaysan fahmeyna ilaahay shartooda na dhaafiyo.