Labadan Wiil ee Caruurta ah ee ku xanuunsan in mudo ahba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdiweli Xuseen Suldaan Cabdi oo 3 Sano jir ah iyo Sakariye Yacquub Cabdi, da’diisana waa 3 sano jir, labadan Wiil oo isku qoys ka soo jeeda ayaa mudo sanad ka badanba waxaa haya Cuduro ay ka mid yihiin Pralass iyo Xanuunka Nerfayaasha ah ilaa labo Sanabo hayey.
Cudurada haya labadan Wiil oo u baahan in ay helaan dhaqaatiir Caalami ah ayaa keenay in noloshoodu ay adkaato, isla markaana Waalidiintooda oo ka soo jeeda Qoysas Sabool ah ay awoodi waayeen in Caruurtani ay helaan Adeeg Caafimaad, maadama Waalidiinta dhaley Caruurtan Xilligan ay la Daala dhacayaan daruufo nolol xumo, isla markaana ay ku adag tahay xitaa bixinta Nolol Maalmeedka, iyaga iyo Caruurtooda.
Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah Awoowaha labadan wiil ee Xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka haya Labadan Wiil in ay ku dhasheen, isla markaana gudaha dalka wax looga qaban waayey,waxayna u baahan yihiin ayuu yiri Dhaqaatiir Caalami ah oo Qaliino ku sameysa jirkooda, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa, isagoo tilmaamayna in ayan awoodin Dhaqaalahii ay ku bixin lahaayeen Caafimaadka Caruurtaasi.
Si labadan Wiil ee Caruurta ah wax loogu qabto ayaa waxaa laga codsanayaa Ummada Soomaaliyeed oo ku nool dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba in ay gacan ka geystaan sidii Walaalahooda dhibaateysan ay gacan ugu fidin lahaayeen, Ogow waxii aad Sadaqo ula baxdidna in ay kaaga horeyso Aakhiro.
FG: Haddaba haddii aad doonaysid in aad ka qeyb qaadatid Gargaarka loo fidiniyo labadan Wiil ee Xanuunsan, waxii Sadaqo ah ee aad awoodid ku Hagaaji.
Yaquub Cabdi Isaaq, Cellphone. 0025261-5559443, 00252699737741, E-Mail: yakoub_43@yahoo.com
E-Mail yakoub43@gmail.com, iyo Suldaan Cabdi Maxamed Nirgoole, Telefoonkiisa: 00252618527958.
Hoos ka daawo masawirada labada canug ee gar-gaarka bani’aadam-nimo u baahan:





comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.