Home » News »

Saraakiil ka socota Nato oo Kismaayo kasoo dagtay

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay Magaaladda Kismaayo waxaa halkaas gaaray ciidamo ajaanib ah.

Ciidamadan oo katirsan kuwa Nato ee kusugnaa biyaha Soomaaliya ayaa kasoo dagtay dekadda Magaaladda Kismaayo.

Dad la rumaysan karo oo Kismaayo kusugan ayaa AOL usheegay in saraakiil sar sare oo Nato ah ay kusugan yihiin gudaha magaaladda, kulamana ay la qaadanayaan taliska Amisom iyo kuwa dowlada.

Lama Oga ilaa iyo haatan ujeedada ay Saraakiishaas utageen Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Hase ahaatee Warar hoose oo aynu helayno ayaa waxay sheegayaan in kulankaan hadda dekada Kismaayo ay ku yeelanaayaan saraakiisha NATO, Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya uu ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wararkii soo kordha kala soco AOL insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.