Xildhibaanada barlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay kulan ku leh xarunta golaha iyadoo ka doodaya Miisaaniyadii uu soo gudbiyay Wasiirka Maaliyada.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Xogheynada Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ugu yeeray in ay kasoo qeyb galaan kalfadhiga barlamaanka.
Mudanayaasha barlamaanka ayaa horey loogu qeybiyay nuqulada miisaaniyada sedexda bil ee soo aadan.
Waxaana loo saaray gudi kasoo faalooda miisaaniyada, taas oo aan walli lagu dhawaaqin qaabka ay tahay.
Xildhibaanada ayaa ansiixn doona ama diidi doona maanta inta ay ufadhiyaan kulanka maanta.
AOL, Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.