Home » Archive Daily October 25th, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyada Ciida U Diraya Shacabka Soomaaliyeed Iyo Kan Dunida Muslimka.
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan farxada Ciidul Adxada.
Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu...
Hay’adda Samafalka COOPI oo howlo samafal iyo Mashaariicba ka fulinaysa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.
Hay’adda Samafalka COOPI oo ah NGOcaalami ah laga leeyahay Dalka Talyaaniga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay howlo isugu jira Gargaar iyo Mashaariic xaga Samafalka ah ay ka wadeen degmooyinka Baladxaawo, Luuq, Dolow iyo Garbahaarey, iyadoo howlaha Gargaarka iyo mashaariicdana ay ka faa’ideysteen Kumanaan Qoys oo waxyeelo ay ka soo gaartey raadadkii ay reebeen Abaaraha iyo Colaadaha.
Cabdulaahi...
Dhalinayaro kasoo goosatay Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho iyo Garbaharey
Taliska ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 50 katirsan dagaalyahanada Shabaab kuwaas oo isugu jira kuwa kasoo goostay Shabaab iyo kuwa kale oo howlgalo lagu soo qabtay.
Dhalinyaradan aadka ubadan ee lasoo bandhigay ayaa sheegay in ay qaarkood ahaayeen saraakiil katirsan Al-Shabaab, kana shaqeynayeen deegaanadii ugu danbeeyay ee Shabaab dhawaan lagala wareegay.
Taliyaha...
Askar katirsan ciidamada dowlada oo lagu dilay Shalaanbood
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Shalaanbood ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in lagu dilay labo kamid ah askarta dowlada Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan Wararka Dilka Askartaan katirsanaa dawlada Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inay geysteen saaka waaberigii kooxo ku hubeysnaa bistoolado xilli ay maqaaxi shaah ka cabayeen oo ku taalo Shalaambood ee gobolka Sh/Hoose.
Ragii dilka geystay ayaa goobta...
Dhaga-badan: Shabaab dharka ciidamada soo qaata ayaa dilalka gaysta
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen C/Kariim Dhaga badan ayaa dilalka iyo dhaca loo gaysanayo shacabka ku eedeeyay Kooxda Shabaab.
Isagoo kahadlayay deegaanka Leego oo ay Shabaab kala wareegeen ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay ciidamada dowlada gaystaan.
“Ma jirto wax dhibaato ah oo ay gaystaan ciidamada dowlada, waana eedeyn oo kaliya’ayuu sheegay...
16 Wariye oo sanadkan lagu dilay gudaha Soomaaliya “Warbixin”
In ku dhow 16-Wariye oo ka howl gala Soomaaliya ayaa lagu dilay sanadkan, iyagoo gudanayay howlahooda shaqo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalka ugu badan ee lagu dilo Wariyeyaasha marka laga soo tago dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Mexico.
Warbixin lagu daabacay Wakaalada Wararka ee AP ayaa lagu sheegay in tirada sii kordheysan wariyeyaasha la dilay sanadkan aanay jirin cid loo soo qabtay.
Sanadkan...
Shirkado Shisheeye oo ka howlgala Muqdisho iyo Xildhibaano kahadlay
Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa kuyaal xafiisyo ay leeyihiin Hay’ado iyo shirkado shisheeye kuwaas oo si sharci daro ah dalka ku jooga.
Hay’adahan iyo shirkadahan ayaa intooda badan laga leeyahay wadamada reer galbeedka, waxaan ay dano gaar ah ka wataan gudaha dalka.
Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka ayaa ka hadlay Hay’adahaas isda sharci darada ah dalka ujooga.
Xildhibaan Cabdalla...
Xiisad kataagan Magaaladda Hobyo iyo odayaal dhex-dhexaadin bilaabay
Kadib dagaal qasaaro gaystay oo shalay Magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug ku dhexmaray kooxo la rumaysan yahay in ay Burcad badeed yihiin ayaa laso sheegayaa in wali xaaladu ay tahay mid kacsna.
Dhinacyadii dagaalamay ayaa wali isku horfadhiya gudaha Magaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo kale ay dhacaan.
Dad kusugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa AOL usheegay in halkaas ay gaareen odayaal isku...
Al-Shabaab oo loogu baaqay in ay hubka dhigaan dowladana kusoo biiraan
Taliska ciidamada Amisom ayaa ugu yeeray dagaalyahanada Shabaab in ay hubka dhigaan dhinacna ay kasoo raacaan geedi socodka nabada Soomaaliya.
Isagoo kusugan gobolka Sh/Hoose ayaa Janeraal Mangurawe oo kamid ah taliska ciidamada Amisom waxaa uu ugu yeeray Al-Shabaab in ay iska daayaan dagaalada.
“Waxaan Shabaab ugu yeeraynaa in ay nabada qaataan, taas ayaana ah mid shacabka iyo iyagaba uwanaagsan’ayuu...
Ciidamada Huwanta oo Shabaab kala wareegay deegaanka Leego
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa si dagaal ah Shabaab kala wareegay deegaanka Leego ee gobolka Sh/Hoose.
Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaankaas ayaa keenay in Shabaab laga qabsado deegaanka Leego oo ahaa difaaca kaliya ee Magaaladda Buu-hakaba.
Qabashada deegaanka Leego ayaa waxaa saxaafada usheegay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Gen C/Kariim Dhaga badan.
“Ciidamadeena waxaa...
