Home » News »

16 Wariye oo sanadkan lagu dilay gudaha Soomaaliya “Warbixin”

In ku dhow 16-Wariye oo ka howl gala Soomaaliya ayaa lagu dilay sanadkan, iyagoo gudanayay howlahooda shaqo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalka ugu badan ee lagu dilo Wariyeyaasha marka laga soo tago dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Mexico.

Warbixin lagu daabacay Wakaalada Wararka ee AP ayaa lagu sheegay in tirada sii kordheysan wariyeyaasha la dilay sanadkan aanay jirin cid loo soo qabtay.

Sanadkan kaliya ayaa la dilay ku dhowaad 16-wariye u shaqeeyay Idaacado, website-yo iyo Telefishinada, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu dilay Gobolada dalka.

Geerida Wariye Axmed Saakin oo habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood ayaa noqoneysa wariyihii u dambeeyay ee lagu dilo Soomaaliya, waxaana dilkaas ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Axmed Saakin ayaa da’diisa aheyd 25-jir u shaqeynayay Telefishinka Soomaaliga ee Universal TV ee fadhigiisa yahay magaalada London ee dalka Britain.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sanadkan uu ahaa sanadkii ugu naxdinta badneyd ee wariyeyaal dhowr ah la dilay, iyadoo dilalka ugu badan ee wariyeyaasha ay ka dhaceen magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, halkaasoo Wariyeyaashu ku shaqeeyaan xaalad adag.

Tom Rhdoes oo ah Madaxa gudiga ka hortaga dhibaatooyinka soo gaara suxufiyiinta ayaa sheegay in dilalka suxufiyiinta ay isugu jiraan qeybo badan, isagoo farta ku goday in dilalka ay qeyb ka yihiin, siyaasiyiin, hogaamiyeyaal iyo ganacsato sida uu yiri

Mr Rhodes ayaa sheegay in Wariye la dila aysan macno ka laheyn Soomaaliya, balse ay noqotay arrin iska caadi ah, isagoo tilmaamay in ilaa iyo hada aanay jirin cid gacanta ku soo dhigta kooxaha dilka geysanaya.

— Jan. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Hassan Osman Abdi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Shabelle xaafada Nasteera ee degmada Wadajir

— Feb. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Abukar Hassan Mohamoud oo ahaa Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn magaalada Muqdisho

— March 4: Ali Ahmed Abdi oo ahaa wariye ka shaqeynayay Radio Galkacyo, ayaa lagu dilay magaaladaas ee bartamaha Soomaaliya

— April 5: Mahad Salaad Aden, oo ahaa wariye u soo waramayay Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay magaalada Beledweyn ee Bartamaha Soomaaliya

— May 2: Farhan Jeemis Abdulle, oo u shaqeynayay Idaacada Radio Daljir ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo

— May 23: Ahmed Addow Anshur oo ahaa Barnaamij soo saare Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho

— July 31: Abdi Jeylani Malaq, oo ahaa majaajiliiste iyo hal abuure ka soo shaqeeyay Idaacado kala duwan iyo Telefishin ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho

— Aug. 12: Yusuf Ali Osman, oo ahaa wariye rug cadaa ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta ayaa la dilay sidoo kale wariye Mohamud Ali Yare ayaa ku geeriyooday rasaas ay is weydaarsanayeen Ciidamada dowladda agagaarka Garoonka Muqdisho Stadium

— Sept. 20: Liban Ali Nur, oo ahaa madaxa wararka Telefishinka Qaranka, iyo Abdisatar Daher Sabriye oo ahaa wariye ka tirsan Radio Muqdisho iyo Abdirahman Yasin Ali oo ahaa agaasimaha Radio Xamar ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah oo ka dhacday goob caan ah oo lagu qaxweeyo magaalada Muqdisho

— Sept. 21: Hassan Yusuf Absuge, oo u shaqeynayay Idaacada Maanta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho

— Sept. 27: waxaa la helay Meydka Wariye Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa ka go’an oo ahaa wariye qora Ciyaaraha ama Sportiga ayaa laga helay Waqooyiga Muqdisho

— Sept. 28: Ahmed Abdullahi Fanah, oo ahaa Wariye u shaqeynayay Wakaalada Wararka ee Yemen SABA ayaa lagu dilay Muqdisho

— Oct. 23: Ahmed Saakin Farah ayaa rag hubeysan ay ku dileen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaasoo uu ka arimiyo Maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn dilalkan ayaan jirin cid loo soo qabtay, inkastoo ay soo baxayeen warar kala duwan, hadana ma jirto cid si dhab ah u sheegtay, waxaana hey’adaha ammaanka ay sheegeen inay u qab qabteen dad dhowr ah.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.