Home » News »

Al-Shabaab oo loogu baaqay in ay hubka dhigaan dowladana kusoo biiraan

Taliska ciidamada Amisom ayaa ugu yeeray dagaalyahanada Shabaab in ay hubka dhigaan dhinacna ay kasoo raacaan geedi socodka nabada Soomaaliya.

Isagoo kusugan gobolka Sh/Hoose ayaa  Janeraal Mangurawe oo kamid ah taliska ciidamada Amisom waxaa uu ugu yeeray Al-Shabaab in ay iska daayaan dagaalada.

“Waxaan Shabaab ugu yeeraynaa in ay nabada qaataan, taas ayaana ah mid shacabka iyo iyagaba uwanaagsan’ayuu sheegay Sargaalkan Amisom uhadlay.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in dhalinyarada Shabaab lagu qalday dagaaladda ay wadaan ayna jiraan dano gaar ah oo laga leeyahay in ay dagaalamaan.

Amisom ayaa marar badan Shabaab ugu yeertay in ay dagaaladda joojiyaan dowladana isku soo dhiibaan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.