Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa si dagaal ah Shabaab kala wareegay deegaanka Leego ee gobolka Sh/Hoose.
Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaankaas ayaa keenay in Shabaab laga qabsado deegaanka Leego oo ahaa difaaca kaliya ee Magaaladda Buu-hakaba.
Qabashada deegaanka Leego ayaa waxaa saxaafada usheegay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Gen C/Kariim Dhaga badan.
“Ciidamadeena waxaa ay ku hoydeen Leego, waxaana Shabaab ka dilnay askar badan”ayuu sheegay Dhaga badan oo dhanka kale tilmaamay in ay kusii jeedaan magaaladda Buur-hakaba.
Warar aynu ka helnay Buur-hakaba ayaa sheegaya in xiisado dagaal ay ka jiraan halkaas saakay.
Wararkii soo kordha dib kala soco AOL insha Allah

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.