Home » News »

Dhaga-badan: Shabaab dharka ciidamada soo qaata ayaa dilalka gaysta

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen C/Kariim Dhaga badan ayaa dilalka iyo dhaca loo gaysanayo shacabka ku eedeeyay Kooxda Shabaab.

Isagoo kahadlayay deegaanka Leego oo ay Shabaab kala wareegeen ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay ciidamada dowlada gaystaan.

“Ma jirto wax dhibaato ah oo ay gaystaan ciidamada dowlada, waana eedeyn oo kaliya’ayuu sheegay Dhaga badan oo carabka ku adkeeyay in ay Shabaab ka danbeeyaan dilalkaas.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay kusoo labistaan dharka ciidamada Militeriga dowlada Soomaaliya ayna shacabka ku dhibaateeyaan.

Hadii ay dhacdo ayuu sheegay in ciidamada dowlada dhibaato gaysteen waxaa talaabo ka qaadaysa maxkamada ciidamada qalabka sida.

Hadalka kasoo baxay Sargaalkan ayaa imaanaya iyadoo xili  kasta dilal, dhac Kufsi ay ciidamada dowlada ka gaystaan goboladda dalka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.