Home » News »

Dhalinayaro kasoo goosatay Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho iyo Garbaharey

Taliska ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 50 katirsan dagaalyahanada Shabaab kuwaas oo isugu jira kuwa kasoo goostay Shabaab iyo kuwa kale oo howlgalo lagu soo qabtay.

Dhalinyaradan aadka ubadan ee lasoo bandhigay ayaa sheegay in ay qaarkood ahaayeen saraakiil katirsan Al-Shabaab, kana shaqeynayeen deegaanadii ugu danbeeyay ee Shabaab dhawaan lagala wareegay.

Taliyaha ciidamada Nabad sugida ee gobolka Banaadir  Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in dhalinyaradan ay intooda badan shaqo u abuureen si qoriga looga dhigo.

Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Garbaharey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu soo bandhigay labo Wiil oo Shabaab kasoo goostay.

Afhayeenka Ahlu suna Sheekh Maxamed Xuseen al-Qaadi ayaa sheegay in labadan wiil ee Shabaab kasoo goostay lagu kala magacaabo Maxamed Sheekh Xaashi oo ay Shabaabku ula baxeen al-Faarisi iyo Cabdirasaaq Maxamad oo isna lagu naaneyso Abuu Xamsa.

Al-Shabaab ayaa inta badan laga saaray gobolada dalka, waxaana dadka indha indheeya xaaladda Soomaaliya ay sheegeen in dhalinyaradii udagaalamaysay Shabaab ay hada ka baxeen Shabaab ayna isku dhiibayaan dhanka dowlada iyo ciidamada Amisom.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.