Hay’adda Samafalka COOPI oo ah NGOcaalami ah laga leeyahay Dalka Talyaaniga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay howlo isugu jira Gargaar iyo Mashaariic xaga Samafalka ah ay ka wadeen degmooyinka Baladxaawo, Luuq, Dolow iyo Garbahaarey, iyadoo howlaha Gargaarka iyo mashaariicdana ay ka faa’ideysteen Kumanaan Qoys oo waxyeelo ay ka soo gaartey raadadkii ay reebeen Abaaraha iyo Colaadaha.
Cabdulaahi Maxamed Xasan (C/laahi Shiino) oo ah isku duwaha Hay’adda Samafalka COOPI ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta, isagoo ku sugan Magaalada Luuq ayaa sheegay waqti xaadirkani in Howlo isugu jira Gargaar raashin qeybin iyo mashaariicba in ay ka wadaan degmooyinkaasi sida, Raashin qeybin, Biyo dhaamin, Abuurka Beeraha, Lacago shaqo ku bedelasho, Barnaamijka fayo dhowrka Caafimaadka iyo Nadaafada, adeegyadaasi oo idil ayuu sheegay in Hay’adooda ay ka saacidi doonto dadka ku nool degmooyinkaasi mudo sanad ah.
“Waxaana hadda ka socoto degmooyinkaasi ayuu yiri Barnaamijka Raashin qeybinta oo ah Food For Voucher oo Qoyskiiba Bishii la siinayo raashin ku filan mudo bil ah, iyadoo gargaarkaasi Raashineed iyo mashaariicda kaleba ay ka faa’ideysanayaan dad ka badan ilaa 3500 oo qoys oo ku kala nool degmooyinkaasi, isagoo sheegayna hay’adoodu in ay sii wadi doonto kaalmada Bini’aadinimo ee ay u fidinayaan dadka danyarta ah ee ku nool degmooyinka .
Ma ahan ugu horeysay oo ay Hay’adda Coopi howlo isugu jira dhinaca Gargaarka deg dega ah iyo Mashaariicba ay ka fuliso deegaano ka tirsan Gobolka,dhowrkii sano ee u dambeeyey ayaa hay’adda COOPI waxay dadku nool degmooyinkaasi ay ka taageeraysay adeegyo ay ka mid yihiin, gargaarka kale gedisan, sida Raashinka, Lacag bixinta, Caafimaadka, Biyaha iyo Beeraha iyadoo dadka ku nool deegaanadaasina ay baahi weyn u qabaan in laga taageero howlahaai kale gedisan.
———–
A. Ibrahin, Luuq/Gedo .

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.