Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa kuyaal xafiisyo ay leeyihiin Hay’ado iyo shirkado shisheeye kuwaas oo si sharci daro ah dalka ku jooga.
Hay’adahan iyo shirkadahan ayaa intooda badan laga leeyahay wadamada reer galbeedka, waxaan ay dano gaar ah ka wataan gudaha dalka.
Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka ayaa ka hadlay Hay’adahaas isda sharci darada ah dalka ujooga.
Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa sheegay in Shirkadu Duulimaad oo ay kamid tahay SKY ay si sharci daro ah uga howlgalaan Muqdisho.
Sidoo kale waxaa ka howlgala Muqdisho Hay’ado Shisheeye, Wakaalado iyo ururo kale, waxaana ay xarumaha ugu badan ku leeyihiin Xarunta Xalane iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho
Mudanayaasha barlamaanka ayaa ugu yeeray dowlada in si deg deg ah sharciga loogu qaado shirakadaas.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.