Home » News »

Xiisad kataagan Magaaladda Hobyo iyo odayaal dhex-dhexaadin bilaabay

Kadib dagaal qasaaro gaystay oo shalay Magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug ku dhexmaray kooxo la rumaysan yahay in ay Burcad badeed yihiin ayaa laso sheegayaa in wali xaaladu ay tahay mid kacsna.

Dhinacyadii dagaalamay ayaa wali isku horfadhiya gudaha Magaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo kale ay dhacaan.

Dad kusugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa AOL usheegay in halkaas ay gaareen odayaal isku dayaya in ay xaalada dajiyaan.

“Waxaa halkan soo gaaray Waxgaradka, waxaana ay kusugan yihiin deegaanka Gawaan ee degmada Hobyo si ay udhex dhexaadiyaan ciidamada dagaalamay’ayuu yiri Liibaan Cabdi Cadde oo kamid ah dadka deegaanka Hobyo.

Ku dhawaad 3 ruux ayaa dhimatay tiro kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib dagaal ka dhacay Hobyo.

AOL kala soco Wararkii soo Kordha Insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.