Bayaan kasoo baxay Taliska ciidamada Amisom ayaa waxaa looga hadlay dagaal ka dhacay duleedka Magaaladda Kismaayo.
Dagaalkan ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Buulo-Xaaji oo ku dhow magaaladda Kismaayo.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ku dhawaad 20 kamid ah dagaalyahanada Shabaab lagu dilay dagaalka, howlgalkana sidii loo baahnaa uu kusoo dhamaaday.
Sidoo kale Amisom ayaa qiratay in hal askari looga dilay dagaalka kuwa kalana looga dhaawacay.
Al-Shabaa ayaa horey usheegtay in ay guulo ka gaareen dagaalkaas ka dhacay deegaanka Buulo-Xaaji 24-kii Bishan.
AOL Kismaayo Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.