Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa looga ciiday si kaduwan sidii hore, iyadoo mudo kadib dadka magaaladda ay ciideen xili magaaladda ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya.
Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha waa weyn ee salaadda lagu dukado halka gudaha magaaladda lagu arkayay dad damaashaadaya farxada aawadeed.
Amaanka Magaaladda Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamada dowlada lagu arkayay barxadaha salaadda lagu dukanayay.
Qaar kamid ah Saraakiisha dowlada iyo kuwa Raaskambooni ayaa shacabka kula dukaday qaar kamid ah barxadaha waa weyn ee magaaladda.
Al-Shabaab ayaa mudo haystay Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.





comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.